Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo digniin kasoo saaray doorashada Madaxweynah Jubba

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray digniin ay u direen mas’uuliyiinta dowladda iyo xukuumadda ee la sheegay inay  doonayaan  ka qeybgalka  doorashada madaxweynaha Jubba oo lagu wado inay Axadda 15-ka bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Jeesow iyo Xildhibaan Maxamud C. Magan
Xildhibaan Daahir Jeesow iyo Xildhibaan Maxamud C. Magan

Xildhibaanadan ayaa sheegay  in Baarlamaanka Federaalka uu horay u laallay sharci ahaanshiyada Baarlamaanka Jubb, sidaa darteedna aanay doorashadooda sharci aheyn, mar haddii Baarlamaanka wada uu sharci darro yahay wax kasta oo ka soo baxaya aanay dowladda Federaalka aqoonsan karin lana macaamili karin.

Xildhibaanada digniinta soo saaray waxaa kamida:

  1. Xildhibaan Dahir Amin Jeesow
  2. Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Dahir
  3. iyo Xildhibaan Maxamud Cali Magan

Xildhibaanadu waxay ka digeen ciddii ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda ee qey gasha  doorashada Kismaayo ka dhaceysa in lala xisaabtami doono. Waxay kaloo uga digeen beesha caalamka faragalinta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya, waxayna sidoo kale   AMISOM ku eedeeyeen in u shaqeeyaan qaab ka baxsan sharciga ay dalka ku joogaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON