Friday, June 27, 2025

Xildhibaanada keenay Mooshinka ku gacan seyray go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka

Qaar ka mida xildhibaanada keenay Mooshinka Madaxweynaha ayaa ku gacan seyray go’aankii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku baab’iyay jiritaankii Mooshinkaasi kadib markii uu qoraal kasoo saaray xalay.

Kabaweyne

Xildhibaan C/llaahi Jaamac  Kabaweyne oo ka mid xilldhibaanada horumuudka u ah Mooshinka ayaa sheegay inaan mooshinkaasi lasoo afjari karin inta wadahadalka lagu baaqay lagu guuleysanayo wuxuuna intaas ku daray inuusan guddoomiye Jawaari xaq u lahayn inuu afjaro mooshin.

Wuxuu intaas ku daray in Guddoomiye Jawaari uu keligii go’aan iska gaaray ayna maqan yihiin labadii guddoomiye ku xigeen, taasina ay tahay mid aanu guddoonka u dhameyn, isagoo ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka inuusan wax sharci ah ku socon.

Xildhibaanada waday Mooshinka Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan inaysan kala qeybsan yihiin, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaankana uu si weyn uga faa’iideystay isagoo fulinaya heshiis ay wada galeen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON