Kulan gaara ayaa xalay dhex maray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda Beesha Mudullood oo salaan iyo hambalyo ugu tegay.
Warar xogogaal ah oo kulankaasi aanu ka helnay ayaa sheegaya inuu xubnaha labada gole ee Beesha Mudulood uu la socday madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe, ayna madaxweynaha hordhigeen codsi iyo talo soojeedin wada socda.
Kadib soo dhoweyn iyo hambalyada doorasahada waxay xildhibaanada Beeshani hordhigeen madaxweyne Farmaajo inuu xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabo shaqsi kasoo jeeda beeshan, waxayna si cad ugu sheegeen inuu ku dhaqmo natiijada doorashadii uu ku soo baxay oo labadii qof ee isugu soo haray wareega labaad ay laba ka mida kasoo jeedaan beeshan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada labada aqal ee Beesha Mudullood kulanka ay ugu yimaadeen, wuxuuna u sheegay inuu tixgelin siin doono codsigooda, isla markaana kulamo kale ay yeelan doonaan marka uu xilka la wareego.
Hore waxaa dalab midkan la mida madaxweyne Farmaajo ugu gudbiyay Beesha H/Gidir oo dalbatay inay xilligan iyadu xaq u leedahay xilka Ra’iisal wasaraaha.
Culeyska ugu weyn ee soo wajihi doona madaxweyne Farmaajo ah sidii uu ku xulan lahaa qofkii noqon lahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub.
Goobjooge.com