Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) inuu degdeg mooshinkan u hor keeno Baarlamaanka, waxayna ka dalbadeen inuu dedejiyo howsha mooshinka oo hadda toddobaad uu hayo Guddoonka Baarlamaanka.
Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mida xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inuu mooshinka uu degdeg Baarlamaanka u hor keeno si loo guda galo xil ka qaadist madaxweynaha.
Sidoo kale Xildhibaan C/llaahi Jaamac ayaa ku dooday in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha in aysan ka bixi karin ilaa inta cod loo qaadayo.
Guddoonka Baarlamaanka 12-kii Bishaan aqbalay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, iyado guddoonka Baarlamaanka aanu weli ku guuleysay inuu sharciga waafajiyo mooshinkaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]