Wararka laga helayo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya inuu sii xumaatay xiriirka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xildhibaanada wada mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.
Dood kulul oo dhex martay labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku dhamaatay kadib markii ay isku af garan waayeen qaabka loo socodsiinayo Mooshinka oo xildhibaanadu dalbadeen in loo gudbiyo Maxkamadda Sare, halka guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo jeediyay in arrinta Maxkamadda sare aan loo gudbin karin Mooshinka.
Is mari waaga labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday hanjabaad iyo muran aan lagu heshiin iyadoo xildhibaanada Mooshinka ku hanjabeen inay tallaabo kale qaadi doonaan haddii Guddoomiyaha Baarlamanku sii heysto Mooshinka waqtigana ku dhameeyo shirar aan macne lahayn.
Xildhibaanada Mooshinka wada waxay ugu hanjabeen guddoomiye Jawaari inay iyagu geyn doonaan Maxkamadda sare isla markaana ay Baarlamaanka ku dhex qeybin doonaan Mooshinka, kadibna isaga laf ahaantiisa ay Mooshin ka keeni doonaan.
Waxaa weli socda waanwaan labada dhinac u socota oo lagu doonayo in mooshinka arrintiisa lagu xaliyo, kaasoo u muuqda inuu la isku heysto sharci ahaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]