Thursday, June 26, 2025

Xildhibaanada wada Mooshinka Madaxweynaha oo shardi ku xiray wadahadalka furmaya

Xidhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shardi ku xiray wadahadalka ay  ka geli doonaan mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna arrintaasi si cad ugu sheegeen guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

C/raxmaan Xoosh Jibriil
C/raxmaan Xoosh Jibriil

Xubno ka mida guddi xildhaabadu u saareen wada xaajoodka ayaa sheegay inaysan aqbaleynin wakiilashada uu madaxweyne Xasan Sheekh u xil saartay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid inuu u metelo wadahadalka mooshinka, waxayna sheegeen inuusan jirin wax hadal oo ay la galayaan Ra’iisal wasaaraha, isla markaana aanay jirin dhibaato dhex taala xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku cadaadinaya xildhibaanada in marka hore ay bilowdaan wadahadalka haddii loo baahdana uu Madaxweynha ku soo biirayo. Xildhibaan C/raxmaan Xooshi oo ka mida guddiga xildhibaanada Mooshinka ayaa sheegay inay ku gacan seyreen wakiilka uu sameystay madaxweynaha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON