Sunday, June 29, 2025

Xildhibaanadii Beesha Ogaadeen oo sheegay inay ka baxeen Mooshinka Madaxweynaha

Xildhibaanada Beesha Ogaadeen ayaa shaaciyay inay gebi ahaantood ka laabteen, kana baxeen Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha iyagoo sabab uga dhaigay markii ay yeesheen  kulamo iyo wada-tashiyo ay ky go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkaoo ay horey u saxiixeen.

xildhibano

Arrinan waxay qeyb ka tahay olole ay wadaan wasiirada xukuumada Cumar C/rashiid oo wada qorshe ay xildhibaada Beelahooda uga saarayaan mooshinka. Arrintana waxaa soo abaabulay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Federaalka Guuleed Cabdiqaasim isagoo ku guuleystay inuu ka dhaadhiciyo xildhibaanda Beeshani inay isaga baxaan mooshinka, maadaaama ayay yiraahdeen in waqtiga u haray madaxweynaha uu aad u yar yahay, mooshinkana uusan ahayn xalka ugu wanaagsan.

“Waxaan guddoonsanay in aan ka shaqeyno sidii muddada dhiman wax wanaagsan loo samaen lahaa, jiho fiicana loo marsiin lahaa qorsheyaasha  hiigsiga 2016-ka iyo dhismaha dowlad goboleedyada, iyo dib u eegista dastuurka, sidaasi darteed waan ka laabanay mooshinkii aanu hore saxiixnay” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Shuuriye oo ka mida saxiixayaashii Mooshinka.

Olole weyn oo ay wadaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya  ayaa ka socda Muqdisho iyadoo mooshinka madaxweynaha xaalkiisu sii xumaanayo xilli dhinaca kale uu socdo mooshin kale oo looga horjeedo mooshinka madaxweynaha. Xildhibaanada Beesha Ogaadeen ee saxiixay mooshinka Madaxeweynaha ayaa gaaraya 8 xildhibaan.

AKHRISO: Liiska Xildhibaanada Beesha Ogaadeen ee saxiixay Mooshinka Madaxweynaha

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON