Xildhibaanadii dhowaan ka qeyb galay Barnaamijkii DOOD-WADAAG ee Telefishanka Universal ee la rumeysan yahay inuu sababay xariga weriyeyaasha iyo xaruntii Telefishankaasi ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dacwad anshax ah lagu soo oogayo.
Qoraal maanta ka soo baxay Gudodoonka Baarlamaanka oo lagu dalbaday in la sii daayo weriyeyaasha ayaa dhinaca lagu sheegay in xildhibaanada arrintan ku lug lahaana arrintooda loo diro Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa iyo Guddiga hoosaadka ilaalinta sumcada Baarlamaanka, si arrintaasi baarlamaanka gudihiisa looga tashado.
Labada xildhibaan oo arrinta ku lug leh oo kala ah: Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf waxay ka mid yihiin waayeelada xildhibaanada ee wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha waxayna caan ku yihiin inay si qayaxan u hadlaan.
DHAGEYSO CODKA LA-TALIYAHA GUDDOONKA BAARLAMAANKA CUMAR QAADI
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]