Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeyso farriin loo diray xildhibannada waxaa kulanka Baarlamaanka ee Berri looga hadlayaa Ajendayaasha kala ah: Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Aqrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.
Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka oo caqabado ay hareeyeen bilowgiisii ayaa dib u bilaabaya Berri kulamadooda, waxaana guddi loo saaray arrintii amniga caasimadda oo dood weyn dhalisay.