Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isku heysta Mooshin ay wadaan qaar ka mida loo lagu doonayo in xilka looga Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in xildhibaano taageeersan Shariif Xasan ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhaba sheegay inay ka horjeedaan Mooshinka Shariif Xasan, iyagoo ku dooday xilligan inaysan suuragal aheyn in la galo Mooshinka iyo is qabqabsi siyaasdeed.
Xildhibaan Xasan Macalin Iidow Black oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gacan saarna la leh Shariif Xsan ayaa sheegay in xildhibaanada shir ku yeeshay magaalada Baydhabo ay gaarayeen 50 xildhibaan, iyagoo diidan mooshinka qaska ah ee la wado, sida uu yiri.
Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan ayaa xili waliba soo taagnaa isagoo aan marna si rasmi ah loo geynin guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo isna ah mid uu gacan weyn ku leeyahay Shariifka.