Xildhibaanada Madasha la baxay HOREUSOCOD ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyay ujeedka loo aasaasay.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn yahay in dalku ka gudbo qaabka awood qeybsiga ku dhisan 4.5 oo beelo badan dulmi ku ah, waxayna beeniyeen inay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka iyo inay wadaan mooshin.
Guddoomiya madasha Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay in la helo isla xiosaabtan dhab ah oo wixii wanaagsan lagu taageero dowladda, wixii khaldamana lagu saxo.
Wuxuu intaas ku daray inaysan waxba ka jirin wararka suuqa loo geliyay ee ah inay mucaarad ku yihiin dowladda, isagoo meesha ka saaray inay wadaan Mooshin.
Waxaana shirka jaraa’id ka hadlay xildhibaano dhowr ah oo markii ugu horeysay madasham fadhigeeda u soo wareejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu dhisay Nairobi.
Goobjooge.com