Monday, June 23, 2025

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Uganda oo iska celiyay lacag loo siiyay qorshe uu watay Musaveni

Sideed ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ah ee Uganda ayaa celiyay lacag dhan 8,000 oo dollar, taasoo kiiba loo siiyay inuu u adeegsado kala tashiga shacabka deegaanka laga soo doorto hindise sharciyeedka ku aaddan in xadidaada laga qaado da’da madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa lacagtaasi ku tilmaamay mid “laaluush” ah, maadaama xildhibaannada ay leeyihiin lacag u gaar ah marka ay deegaannadooda booqanayaan, sida ay sheegtay Patience Atuhaire oo BBC uga soo warranta caasimadda Kampala.

Lacagta ayaa loo arkaa in lagu raadsanayo taageerada xildhibaannada si loo meelmariyo hindisahan, kaasoo lagu doonayo in dastuurka Uganda laga saaro shuruuda ah in da’da madaxweynaha aanay ka weynaan 75 jir.

Ad

Mucaaradka Uganda ayaa rumaysan in xisbiga talada haya ee National Resistance Movement (NRM) uu doonayo in hindisahan la meelmariyo, si madaxweyne Yoweri Museveni oo 73 jir ah uu mar lixaad sanadka 2021 xilka ugu tartamo.

Mas’uuliyiinta baarlamaanka Uganda ayaa sheegay in lacag dhan 3.5 milyan oo dollar loo qoondeeyay 445 xildhibaan si loo meelmariyo hindise sharciyeedkan.

Warar Xul ah
SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON