Saturday, June 28, 2025

Xildhibaanno xoog ku jabsaday xafiis ay ku shirayeen Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka

Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ayaa galabta maqrib ku dhowaadkii si xoog ah ku jabsaday xafiis ay ku shirayeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo guddoonka Baarlamaanka oo ka kooban Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Labadiisa ku xigeen Jelaani Nuur Iikar iyo Mahad Cawad kadib markii shirkaasi waqti dheer qaatay.

villa-hargeysa

Shilkan oo ka dhacay xafiisyada guddoonka Baarlamaanka Villa Hargeysa waxay xildhibaanadaasi ku doodayeen in shirka qarsoodiga ah bannaanka la soo dhigo oo loo furo xildhibaanada goobta ku sugnaa oo ka kala tirsanaa Kutlooyinka Baarlamaanka.

Xarunt Villa Hargeysa waxaa buux dhaafiyay xalay ilaa maanta xildhibaanno badan oo doonaya inay wax ka ogaadaan waxa ka socda meesha kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Ra’iisal wasaaraha iyo guddoonka Baarlamaanka ka wada shaqeynayaan sidii loo baajin lahaa kulanka Baarlamaanka ee beri ku madlan in kalsooni loo qaado wasiirada uu soo magacaabay ra’iisal  wasaaraha.

Xildhibaanada oo careysnaa iyo madaxdii shirka ku jirtay ayaa dood kulul dhex martay, waxaana arrinta qaboojiyay guddoonka Baarlamaanka oo xildhibaanada ka codsaday inay is dejiyaan oo beri la keenayo xukuumada sidii la isku ogaa. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad ayaa arrintaas soo jeediyay kadib markii uu Guddoomiye Jawaari u baxay soo dhoweynta Madaxweynaha.

Xiliyadda ay xiisadaha siyaasadeed jiraan waa iska caadi in falal noocan oo kale ahi ay dhacaan. Hore ayaa xildhibaaanno siday mooshinkii laga keenay Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed waxay sidan oo kale xoog ku jebiyeen qolka hurdada guddoomiyaha Baarlamaanka, si ay mooshinka ugu dhiibaan kadib markii loo sheegay inuu nasanayo oo aanu qaabili karin.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON