Thursday, June 26, 2025

Xildhibaano bilaabay olole ka dhan ah heshiiskii Madasha ee Qaabka doorashada 2016

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan inay ku diidaan qaar ka mida heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu faahfaahiyay qaabka doorashada 2016.

Xildhibaanada oo shir gaar gaar ah ku leh Muqdisho ayaa si weyn uga horjeeda laba qodob oo ka mida heshiiska kuwaasoo kala ah:

  1. In madaxweynayaasha Maamulada ay yeeshaan saxiixa ugu danbeeya ee xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka
  2. Iyo in guddiyo doorashooyin cusub la sameeyo.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay doonayaan in heshiiska laga saaro labadaasi qodob oo midka hore uu halis ku yahay Aqalka sare ee Baarlamaanka mar haddii gacanta loo geliyay siyaasiyiin damac leh inay iyagu keensadaan ciddii ay doonayaan.

Qodobka labaad ayaa isna lagu diidan yahay jiritaanka guddi doorasho oo Baarlamaanka Federaalka u codeeyay isla markaana ansixiyay, ayna sharci darro tahay in guddi cusub la dhiso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON