Friday, June 27, 2025

Xildhibaano booqday oo arrin laga naxo kasoo sheegay Magaalada Marka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka socday guddiga difaacada Baarlamaanka  ayaa xaalad laga naxo ku tilmaamay dhibaatooyinka ka taagan xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee magaalada Marka kadib socdaal ay ku tageen magaaladaasi oo uu ku wehliyay Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Xuseen-Carab-Ciise

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise ayaa saxaafadda u sheegay in Magaalada Marka ay ku jirto xaalad aad u liidata oo dowladda federaalka ay gebi ahaanba dayacday dadka magaaladaasi oo dhibaatooyin badan ka soo gaareen AMISOM iyo dagaaladii beelaha ee ka dhacay.

Wuxuu sheegay in magaalada ay amni darro weyn ka jirto, ayna tahay go’doon. “Xaalad aad u fool xun ayaam ku soo aragnay magaalada Marka, hay’ado amni malahan, ciidan 15 aan ka badneyn ayaa jooga, ma jiro maamul shaqeeya,  shacabka iyo Shabaabkii ayaa wada degan magaalada, AMISOM iyana dhinac bay ka degan tahay, dhibaatada ugu daran waa tan heysata shacabka” ayuu yiri  Xuseen Carab.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON