Wararka ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegaya in qaar kamida xildhibaannadii saxiixay mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ay dib uga laabteen kadib markii ay bedeleen fikirkooda, ayna go’aansadeen inaysan ku lug yeelan mooshinkaasi iyo khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda.
Xubnaha qaarkood ee ka noqday mooshinka ayaa la sheegay inay iska celiyeen lacagtii laaluushka ahayd ee la siiyay oo gaareysay $3000, taasoo ah geesinimo dheeraad ah oo ka timid xubnahaasi oo markii ugu horeysay ku dhaqaaqay tallaabo mudan in lagu amaano, waxay kaloo wararku sheegayaan in qaar kale oo ka mida xildhibaannada ay ka dhofayaan dalka si ay saameyn ugu yeelan xaalada adag iyo khilaafka mooshinka.
Lama oga sababta ku khasabtay xildhibaanadan inay bedelaan fikirkooda, waxaase la filayaa inay saameyn ku yeelatay dooda adag ee ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo hakad yar la geliyay mooshinkii la doonayay in Sabtida la bilaabo doodiisa si loo rido xukuumada C/weli Sheekh Axmed.
Goobjooge.com ayaa ka war heshay inay jiraan xildhibaanno aan ilaa iminka labada dhinac kala raacin oo dhexdhexaad ah, xildhibaanadan ayaa tiradoodu ku dhowdahay 10, waxayna qaateen go’aan ah inaysan labada dhinac la kala safan.
Goobjooge.com
Muqdisho