Xildhibnaanno kor u dhaafaya 100 ayaa la sheegay inay diyaarinayaan qorshe dib loogu soo celinayo mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha ee hore u hakaday, kaasoo ku bilowday talo soo jeedin ah inuu xilka isla casilo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo hadda taageersan Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed kana soo horjeeda mooshinka uu madaxweynaha gadaal ka riixayo ee hor yaalla guddoonka Baarlamaanka ayaa shirar is dabajooga uga socdeen Muqdisho, waxayna xubno ka mida caddeeyeen inay digniin u diri doonaan madaxweynaha inuu ka laabto mooshinka uu riixayo, kana tanaasulo faragelinta uu ku hayo shaqada xukuumadda ama ay dib u soo nooleyn doonaan mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha.
Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu yahay mas’uulka ay ka socon la’ dahay dowladda Federaalka, gacmahana ku qaatay dhammaan awoodihii dalka, haddii ay tahay in saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka xilka uu ka tagana madaxweynuhu yahay qofka ugu haboon ee la casilayo.
[blockquote style=”4″]In madaxweynaha dalka mooshin laga keeno “Impeachment” waxay u baahan tahay inay mooshin ka keenaan saddex dalool hal dalool xubnaha Baarlamaanka 1/3 (92 xildhibaan), xil ka qaadistiisana waxay u baahan tahay 2/3 184 xildhibaan, iyadoo maxkamad dastuur meesha ku jirto.[/blockquote]
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]