Tuesday, July 8, 2025

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo Muqdisho yimid

Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta yimid magaladada Muqdisho iyagoo wadahadallo la yeelan doono  qaar ka mida mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada Kenya ee Muqdisho yimid ayaa tiradoodu gaareysaa 9 xubnood.

shiil

Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan wafdiga baarlamaanka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha warbaahinta ugu sheegay in socdaalkoodu ku saabsan yahay xiriirka labada baarlamaanka ee Kenya iyo Soomaaliya, ayna kulamo kala duwan la yeelan doonaan dhigooda Soomaalida oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo  ka mid ahaa xildhibaanadii soo dhoweeyay waftiga ayaa inay xildhibaanada labada dal ka wadahadli doonaan sidii ay iskaashi dhinacyo kala duwan ah u yeelan lahaayeen.

Waa markii ugu horeysay muddooyinkan oo xildhibaano ka socda baarlamaanka Kenya Muqdisho soo yimaadaan, wuxuuna socdaalkooda ku soo beegmayaa iyadoo xiisad ku saabsan mooshin madaxweyne ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON