Monday, July 14, 2025

Xildhibaano Mooshin ka dhan Muungaab u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay mooshin ka geeyeen Baarlamaanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Muungaab
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Xildhibaan C/raxmaan Suge Maxamed oo ka mida saxiixayaasha Mooshin ka dhan ah Duqa Magaalada Muungaab ayaa  sheegay in 10 Xildhibaan ay Mooshinkan u gudbiyeen gudoonka Baarlamaanka si ay arrimo muran dhuleed ah su’aalo looga weydiiyo Xasan  Muungaab.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in ilaa saddex jeer isku dayeen inay la kulmaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir balse aanay suurogal noqon  kadibna ay Mooshin ka geeyeen. Xildhibaanka ayaa ka digay in dhulalka la kala iibsano aanay shacabka ku degdegin iyo in loo baahan yahay in wax laga ogaado Hantida guud iyo Hantiga gaar ah sida uu yiri.

Mooshinka ka dhank ah Xasan Muungaab ayuu sheegay inay iska kaashadeen  dhowr guddi  sida Gaadiidka iyo Guddiga Ganacsiga ee Baarlamaanka.

Waa markii ugu horeysay ee mooshin xildhibaanadu ka keenaan guddoomiye gobol iyadoo dad badan aamisan yihiin inaysan sharci u lahayn xildhibaanada arrintan oo kale balse ay la xisaabtami karaan wasaaradda arrimaha gudaha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON