Thursday, June 26, 2025

Xildhibaano Mooshin xil ka qaadis ah ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Qoraal mooshin ah oo ay ku saxiixan yihiin 36 xildhibaan, laguna dalbanayo in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay ku soo eedeeyeen inuu ku dhex milmay xukuumadda isla markaana Baarlamaanka ka hor istaagay inuu shaqadiisa guto.

Mooshinka ayaa loo gacan geliyay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lagu dalbaday in la soo gole joojiyo Guddoomiye Cali Gacal, waxayna xildhibaanda mooshinkan wada sheegeen in Guddoomiye ku xigeenka uu guddoomin doono shirka Baarlamaanka Galmudug.

Arrinta mooshinkan ayaa timid xilli uu guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug sheegay in xildhibaanada ay galayaan fasax.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON