Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa si weyn loogu dhaliilay caleemo saarkii Axmed Madoobe ee ka dhacay magaalada Kismaayo 12-kii Bishan oo madax badan ay ka qeyb galeen.
Xubnihii shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in wax ka dhacay magaalada Kismaayo ay sharci darro yihiin, ayna nasiib darro ah madaxdii Qaranka inay raali geliyeen rabitaan shisheeye iyo dano gaara, iskana dhaga-tiraan go’aankii golaha.
Shirka oo bayaab laga soo saaray waxaa ka qeyb galayaashiisa ka mid ahaa: Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo siyaasiga Cabdi Shire Warsame iyo xubno kale.
HOOS KA AKHRI BAYAANKA SHIRKA
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]