Shirar is daba joog ah ayaa hotelka SYL uga socda ee magaalada Muqdisho oo uu degan yahay wafdiga madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, iyadoo ay ku biireen xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jirbiil ayaa saxaafadda u sheegay inay la kulmeen wafdiga madaxweynaha Puntland kuna tirtirsiiyeen inuusan ka tanaasulin mowqifkiisa, wuxuuna intaas ku daray in dastuurka wax aan waafaqsaneynin aanu qaadan. Xildhibaanada Baaralmaanka Soomaaliya ayaa xilligan ka mid noqday qas wadayaasha ugu waaweyn siyasaada Soomaaliya iyagoo la kala saftay hogaamiyeyaasha beelahooda isla markaana qaadanaya door sii hurinaya xiisadaha siyaasadeed.
Shirar kale oo is daba jooga ayay dhinacyo kala duwan la yeesheen wafdiga Puntland waxaana ugu horeeyay wakiilada beesha caalamka oo cadaadis weyn saaraya si uu mowqifkiisa uga soo dabco.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]