Monday, July 14, 2025

Xildhibannada Mucaaradka oo sameeyay farsamo cusub si ay u hor istaagan kulanka Baarlamaanka

Xildhibaannada Mucaaradka ee ka qeyb galaya kulanka Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ayaa fadhiga la tegay qorshe ay ku doonayaan inay uga hortagaan qabsoomidda kulankaasi oo muran badan hareeyay.

Xildhibaannada Mucaaradka oo xilli hore iska xaadiriyey xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa diiday inay saxiixaan Buugga lagu xaadiriyo xildhibaannada si kooramka fadhiga loo hubiyo, waxaana la sheegay inuusan weli kooramku gaarin Duhurnimadii, taasoo ay ugu wacan tahay inaysan is diiwaangelin xildhibaannada.

Xildhibaanno badan oo ku sugan Kulanka ayaa ku dooday in kulanka uu yahay mid lagu doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo, taasoo xaalada kacsan ka dhalisay gudaha Baarlamaanka.

Qorshaha ay xildhibaannada qaarkood ku diideen saxiixa Buugga xaadirinta ee Kooramka lagu hubiyo ayaa ah qorshe cusub oo ay ku doonayaan in lagu hakiyo kulanka oo ay shaki badan ka qabaan.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay in ciidamo bistoolado ku hubeysan oo dhar-cad ah lasoo dhoobay Baarlamaanka, xaaladuna tahay mid afduub ah, wuxuuna ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka inuu qeyb ka yahay qalalaase gelinta dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON