Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkeeda ugala wareegtay xisaabiyihii hore ee dowladda.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Xisaabiyihii hore ee dowladda ayaa ug u hambalyeeyey Faaduma Cusmaan mas’uuliyadda adage ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu la garab-galo, dhanka kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey wixii u qabsoomey shantii sanno ee u dambeysay ee uu ahaa Xisaabiyaha guud ee Qaranka, guulo badanna laga sameeyey Xafiiska iyo howlaha dhinaca Xisaabaadka.
Maxaad ka taqaan Mas’uulka cusub ee loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka..?