Agaasmihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Guutaale ayaa xisbi cusub oo siyaasadeed uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, isagoo guddoomiye ka ah xisbiga.
Xisbigan ayaa loogu magac daray WADAJIR, waxaana munaasabada lagu daah furay ka soo qeyb galey Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda Xisbiyada KMG ah qaarkood, Odoyaa iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga Kamaal Daahir Guutaale ayaa sheegay inay doorteen halku-dhigga Asal iyo Iftiin, waxay tahay in la dhiso dowlad ay shacabku leeyihiin si looga maarmo gacan shisheeye.
“Magaca Iftiina waa in Ummadda Soomaaliyeed Dhinac waliba laga dhiso ha noqoto Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Adeegyada kale ee Bullshadda si loo gaaro dal isku filan” ayuu yiri Kamaal Guutaale.
Furashada xisbiyada dalka ayaa noqotay tusbax furtay iyadoo hadda xisbiyada magacaas wata ay tiradoodu sare u dhaaftay 40.
SAWIRRO
Goobjooge.com