Xisbiga cadaaladda iyo horumarka ee talada haya dalka Turkiga (Justice and Development Party -AKP) ayaa u muuqda inuu mar kale heli doono aqlabiyadda Baaralamaanka, kadib doorasho xasaasi ah oo maanta ka dhacday dalkaasi, markii doorashadii hore ee Bishii June xisbiga ku guuleysan waayay, kadibna la dhisi waayay xukuumad wadaag ah.
Kadib markii la tiriyay 97% codadkii la dhiibtay sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Turkiga waxaa xisbiga AKP ee madaxweynhe Orodogan uu ka helay 49.4%, waxaana xisbiga mucaaradka ee ugu weyn uu doorashada ka helay codad dhan 25.4%, dhinaca kale xisbiga Kurdishka ayaan u muuqan mid ka sare mari doona 10% oo ah codadka laga doonayo inuu kuraas ku guuleysto.
Natiijada ugu horeysa ee la shaaciyay waxay muujineysaa inuu xisbiga madaxweyne Ordogan helayo kuraas dhan 276 kursi oo ka mida Baarlamaanka Turkiga oo u saamaxeysa inuu keligiis soo dhiso xukuumad, waxaase la filayaa inuusan gaarsiisneyd aqbaliyad uu sharciga iyo dastuurka wax uga bedelo.
Goobjooge.com