Guddiga madaxa bannaan ee Doorashada ayaa sheegay inuu maanta saddex xisbi oo cusub siin doono shahaado KMG ah.
Xisbiyada saddexda ah ee qaadanaya Shahaadada KMG ah ayaa kala ah; Wadjir, SAMU iyo Tiir, waxaana xisbiga Wadajir hoggaamiye u ah siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay isk u dhaceen dowladda Federaalka, isla markaana gurigiisa weerar lagu qaaday lagu dilay ilaaladiisii.
Xisiga TIIR ayaa la sheegay inuu guddoomiye u yahay Saalax Sheekh Cusmaan, oo hore usoo noqday wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska dowladda Soomaaliya, iyadoo xisbiga SAMU la sheegay inay dhiseen xubno kasoo jeeda Beesha Jareer.
Guddiga ay guddoomiyaha u tahay Xaliimo yarey ayaahore hore Shahaadooyin KMG ah u siiyey 7-da Xisbi ee kala ah: Xisbiga Garsoor, Xisbiga Midnimada, Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Xisbiga Umadda Soomaaliyeed, Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed iyo Xisbiga Horumarinta
Shahaadadan ayaa ah mid KMG ah oo aan sharci buuxda siineyn Xisbiyada magac ahaanta loo diiwaangelinayo, waxaana Guddiga uu sheegay in diiwangelinta sharciga ah loo eegi doono sharciyada xisbiyadda.