Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa si weyn u cambaareeyay dowladda Somalia oo qaar ka mida xisbiyada siyaasadda dalka ka hor istaagay inay seminaaro qabsadaan.Qoraal uu soo saaray xisbiga JDP ee uu hoggaamiyo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa lagu sheegay in falalkii dowaldda Federaalka ku hor istaagtay seminaaro ay qabsan lahaayeen xisbiyada Wadajir iyo UPD ay tahay sharci darro, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka kelitalisnimo iyo caburin.
Xisbiga JDP ayaa ugu baaqay labada aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashooyinka inay arrintan soo farageliyaan, wuxuuna ka digay inay keeni karo qalalaase siyaasadeed.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA