Xisbiga Cadaallada iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda Doorashada dalka iyo Shirka Maamul Goboleedyada uga furmay magaalada Dhuusamareeb.
Xisbiga ayaa soo dhoweeyay shirka madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay inay isku raacaan go’aanno Soomaaliya ku hagi kara in si nabadgelyo ah looga gudbo xaaladda kala-guurka ah.
Sidoo Qoraal uu soo saaray Xisbiga ayuu ku adkeeyay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka inay ka waantoobaan muddo kororsi keeni karta qalalaase, wuxuuna caddeeyay inaysan suuragal ahayn Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda muddo xileedka dowladda hadda joogta.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
