Waxaa mar kale maanta lagu wadaa in Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame la soo taago Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Kamal Daahir ayaa sheegay in kiiska Cabdiraxman Cabdishakur uusan wali xirmin, isla markaana maanta oo Khamiis ah la hor geyn doono maxkamad ku taala magaalada Muqdisho.
Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur in maanta oo Khamiis ah ay dhici doonto.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axadda, waxaana damiinka lagu sii daayey ka qeyb qaatay madaxda maamullada dalka qaarkood, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA EE GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADAJIR