Tuesday, August 26, 2025

Dacwad loo heysto Ra’iisal wasaaraha & Wasiirka arrimaha Gudaha oo la gaarsiiyay Maxkamada Sare

Xisbiyadda siyaasada ee ka dhisan magalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaam waxayna dacwada gaarsiiyeen Maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamadda sare Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa dacwadan ka qabtay xisbiyada kuwaasoo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inay xaq u lee yihiin inay helaan xeerkaasi oo dhaqan gal ah.

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay xisbiyadan inay mar kasta diyaar u yihiin inay dalka ka saaraan nidaamka 4.5, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay shacabka in talada lagu celiyo.

Lama oga qaabka dacwadani noqon karto iyadoo aanay sharci ahaan dalka ka jirin xisbi siyaasadeed, haddana waxaa dacawadda ku saxiixan xisbiyo.

HOOS KA AKHRI QORAALKA DACWADA 


dacwad
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON