Agaasimihii guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka ayaa xilka iska casilay, isagoo sheegay in Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka aqbalay is-casilaadda.
Qoraalka is-casilaadda oo ay heshay Goobjooge.net ayuu agaasimaha Wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya Karaar Shukri Doomey ku sheegay inuu xilka uga tegayo arrim shaqsi ah oo aanu faahfaahin, wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynaha uu ka aqbalay istiqaaladiisa.
Agaasime Karaar Shukri Dhoomey waxaa Bishii June 2019 shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Maxamuud C/qaadir Hilaal oo ku eedeeyay inuu jebiyay sharciga iyo hannaankii wada-shaqeynta wasaaradda, wuxuuna dib shaqada ugu celiyey Ogost, iyadoo uu dib usoo magacaabay Madaxweyne Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya Is-casilaaddda Agaasime Karaar oo saaxibo la ahaa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre, heystana dhalashada dalka Norway ay ka dambeysay khilaaf muddo soo jiitamayey oo kala dhaxeeyay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka.