Wednesday, June 25, 2025

XOG: Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka oo xilka laga qaaday & kusime loo magacaabay

Wararka xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka C/qani Sheekh Cumar, iyadoo agaasime KMG xilkaasi loo magacaabay.

Agaasimahan waxaa hore u magacaabay Ra’iisal wasaaraha isagoo  dhowr bilood  xilka hayay, waxaana xil ka qaadsitiisa lagu soo beegay iyadoo Ra’iisal wasaaruhu safar uga maqan yahay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in agaasimeyaal kale xil ka qaadis lagu sameeyo maalmaha soo socda.

Ku-sime agaasime agaasime ayaa loo magacabaay Dr. Cabdullahi Xaashi Cali oo aan la ogeyn in xilkaasi loo xalaaleyn doono iyo in agaasime cusub loo magacaabi doono wasaaradda caafimaadka oo ka mida wasaaradaha aan fadhin ee agaasimeyaaha guud sanad waliba la bedelo.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa la sheegay inuu ahaa agaasimihii ugu da’ yaraa ee soo mara wasaaradda oo qaabka loo magcaaabayna ay ahayd mid sharci darro ah kadib markii Cumar C/rashiid dusha uga keenay Wasaaradda oo ay ka howlgalaan khabiiro caafimaad oo qaarkood 30 shaqeynayeen.

Xilliga kala guurka ayaa caadiyan madaxda sare ee dowladda waxay sameeyaan inay magacaabaan xilal fara badan oo la siiyo xubno u dhow ama ay qaraabo yihiin si ay xilalkaasi u sii heystaan xilliga kala guurka iyo dowlada cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON