Sunday, July 13, 2025

XOG: Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta oo ka hor yimid Shaqo ka fariisin lagu sameeyay

Warar lagu kalsoonyahay oo laga heley xarunta wasaarada warfaafinta ayaa sheegaya in agaasimihi xilka laga qaaday C/risaaq Yuusuf Bahlaawi uu diiday inuu xilka wareejiyo.

Agaasimaha shaqada laga fariisiyay ayaa ku dooday inuusan wasiirku sharci u lahayn inuu xil ka qaado ama ka fariisiyo, isagoo diiday inuu xafiiska banneeyo.

Xiisad ka dhalatay xaaladdan ayaa keentay is mari waa ka dhasha magacaabidda agaasimeyaash cusub iyo shaqadii wasaaradda, iyadoo ay socdaan kulamo lagu qancinayo agaasimaha gadoodsan.

Agaasimihii hore MUdane Bahlaawi oo xiriir lala sameeyyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sababta keentay inuu ku gacan seyray shaqo ka joojinta iyo musuqmaasuqa laga soo eedeeyey.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa maanta shaqadii ka fariisiyay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha maamulka isagoo ku soo eedeeyay musuqmaasuq.

DEGDEG: Wasiirka Warfaafinta oo shaqadii ka fariisiyay agaasimihii guud & agaasimeyaal kale

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON