Monday, June 23, 2025

XOG: Beesha Caabudwaaq oo shuruudo adag kadib ogolaatay ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe (Akhri)

Beesha degmada Cabudwaaq ayaa wadahadal muddo afar maalmood ah socday kadib ogolaatay inay ka qeyb gasho shirka maamul  u sameynta goboladda dhexe, kadib markii ergadii beeshaasi ee isaga baxay shirka Dhuusmareeb ay shuruudo adag ku xirtay wafdigii dowlada Federaalka uu hogaaminayay wasiirka Gaashaandhigga ee waanwaanta u tegay Caabudwaaq.

Xogta ay Goobjooge.com heshay ayaa sheegaysa in Beasha Mareexaan ee gobollada dhexe ay markii hore ka caroodeen markii madaxweynaha iyo wafdigiisa ay waanwaan la galeen beesha Dhuusmareeb una ogolaadeen shuruudo dhowr ah oo beeshaasi gaar ahaa, iyagoo taasi u arkay in magacooda dano gaara lagu fushaday, waxayna ku adkeysteen inaysan ka qeyb galeynin shirarka la wado ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

cabudwaaq

Ad

[ad name=”HTML-2″]

Wadahallo dheer kadib wafdigii wasiirka gaashaandhigga waxay  beesha Caabudwaaq dalbatay arrimaha soo socda:

1. Bixinta kharash lacageed

- Advertisement -

2. In Madaxweyne ku xigeen laga siiyo maamulka gobollada Dhexe.

3. In loo magacaabo safiiro

Shuruudahan ayay dowladdu intooda badan aqabshay, inkastoo lacagta oo Hal milyan oo doolar ahayd la filayo  iyo in qeyb ka mida la bixiyo, halka jagooyinka safiirada ahna wada-tashi kale laga geli doono.

Dowladda Federaalka ayaa ku dhex dhacday is jiidjiid beeleed iyo dalab beeluhu ku doonayaan inay ku sed bursadaan, waxaana taas sababteeda leh madaxweyne Xasan Sheekh oo tallaabo qaadkiisu noqday mar waliba uga sii dara xaaladda, iyadoo dad badan oo arrimahan la socda ah qabaan inuu dhibaatada jirta oo dhami tahay mid uu isagu sameeyay.

- Advertisement -

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON