Thursday, June 26, 2025

XOG: Beesha Caalamka oo su’aalo adag weydiisay Xildhibaanada wada Mooshinka Madaxweynaha

Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulamo is daba jooga la yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee wada Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xildhibaanadaasi warbixin laga dhageysanayay.

Xildhibaan Maxamuud Guure
Xildhibaan Maxamuud Guure

Koox xildhibaano ah 10 xubnood ka kooban ayaa metelayay xildhibaanada Mooshinka wada, waxaana kulanka ugu yeeray wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ay wehliyeen, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjiraha Ingiriiska, Wakiilka IGAD iyo saraakiil Mareykan ah.

Qodobada Beesha Caalamka ay walaaca ka muujiyeen waxay kala ahaayeen:

  • In Mooshin muddo dheer jiitamo oo xildhibaanadu ku kala qeybsamaan.
  • In shaqadii Baarlamaanka laga sugayay muddada kooban ee hartay dib u dhac weyn ku yimaado
  • In shaqadii xukuumadda hakad soo galo
  • Iyo in dhaawac weyn soo gaaro howshii hiigsiga cusub ee 2016.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sidoo kale la weydiiyay su’aalo adag oo ku saabsan ujeedada mooshinka iyo xilliga ay ku soo beegeen, waxaana lagula taliyay inay ka fiirsadaan tallaabo waliba oo ay qaadayaan.

Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure oo shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inay wakiilada beesha caalamka sharxeen mooshinka, isla markaana ay caddeeyeen inuusan waqti qaadan doonin.[ad name=”HTML-1″]

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON