Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo xarigiisa ay ka dhex dhalatay labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ay khadka telefoonka ugu hanjabeen culimo ka tirsan Beesha Abgaal oo taageersan dowladda Soomaaliya.
Xogta ay heysay Goobjooge ayaa sheegeysa in C/raxmaan C/shakuur iyo Axmed Macalin Fiqi ay telefoonka ugu hanjabeen qaar ka mida culimada kasoo jeeda Beesha Abgaal iyagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen, kana dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur, maadama ay dowladda Soomaaliya u fatwoodeen inay tallaabo ka qaado mucaaradka.
Xaaladan ayaa keentay in odayaasha Beesha Abgaal ay dhiggooda H/Gidir ka dalbadaan inay arrintaas xaal ka bixiyaan, iyadoo waanwaan arrintaasi ku saabsan ay socoto, waxaanba la ogyahay in dhowaan C/raxmaan C/shakuur uu ku eedeyay culimada taageersan dowladda Soomaaliya inay la mid yihiin Alshabaab.
Odayaasha labadan beelood ayaa iska kaashaday culeys madaxda dowladda Soomaaliya lagu saaray in la sii daayo siyaasiga, waxaana hadda halis ku jira isbaheysigii labada beelood ee ka dhashayu hiilinta C/raxmaan C/shakuur.