Thursday, April 25, 2024

XOG CULUS & FADEEXAD: Wasiir C/raxmaan Beyle oo xil ka qaadis ku sameeyay safiir caan ah mid kalena magacaabay

GOOBJOOGE EXCLUSIVE REPORTS

GOOBJOOGE EXCLUSIVE REPORTS

Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ku dhaqaaqay tallaabo sharci darro iyo fadeexad kale ah kadib markii keligiis bedel ku sameeyay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Cumaan isla markaana magacaabay safiir cusub.

Wasiirka oo horeba fadeexo kale ugu dhex jiray ayaa arrintan waxay noqoneysaa tii ugu danbeysay tallaabooyin xiriir ah oo uu iskiisa ugu dhaqaaqay. Qaar kamida howlwadeenada waaweyn ee wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wasiir Bayle ku tilmaamay wasiirkii ugu xumaa abid ee wasaaradaasi soo mara, wasaaraduna hadda  ku jiro xilligii ay ugu liidatay weligeed dhinac waliba.

Qoraal uu Wasiir C/raxmaan Bayle u qoray dowladda Cumaan ayuu cinwaan uga dhigay:

Ad

“U yeeris safiirkii hore iyo magacaabid Safiir cusub”,

Wasiir Bayle wuxuu qoraalkiisa oo isaga laf ahaantiisa uu hore u qaaday socdaal aan qorsheysneyn oo uu dhowaan ku tegay dalka Cumaan ku caddeeyay in waqtigii 4-ta sano ee sharciga ahayd inuu xilka hayo ay ka dhamaaday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan oo ahaa Xasan Maxamed Siyaad Barre looguna yeeray inuu Wasaaradda arrimaha dibadda ee Muqdisho ku soo laabto, isagoo xilkiisii u gutay sidii ugu wanaagsaneyd.

Qoraalka wuxuu intaas ku daray in safiirkii hore uu xilka ku wareejiyo safiirka cusub oo  lagu magacaabo C/risaaq Faarax Cali muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 18 Janaayo 2015.

Qoraalka sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ee magacaabidda iyo kala bedelka safiirada wuxuu dhacay 17-ka Janaayo sida ku cad qoraalka wasiirka ee loo diray dalka Cumaan oo ay Goobjooge.com heshay, xilligaasina wuxuu ku beegnaa maalintii uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid dib ula noqday xukuumadii uu dhisay, taasoo muujineysa hab dhaqanka sharci darro ee wasiirkani.

- Advertisement -

MAXAA KA KHALDAN TALLAABADA SII-HAYAHA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA C/RAXMAN BAYLE?

1. Arrintani waxay marka hore ka soo horjeedaa Dastuurka Soomaaliya ee KMG ah Qodobkiisa 90-aad, xarafka (l) oo dhigaya inuu madaxweynaha magacaabayo safiirada marka ay u soo jeediyaan golaha wasiirada:

dast-90

2. Waxay kaloo kasoo horjeedaa qodobka 99-aad ee isla dastuurka xarafkiisa (h) oo dhigaya in Golaha wasiirada ay leeyihiin soo jeedinta magacaabidda  iyo xil ka qaadista danjireyaasha:

- Advertisement -

dastuur10

3. Waxaa kale oo ay si cad u jebineysaa wareegtadii horaantii December kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu mamnuucay inaan la qori karin, la kala bedeli karin, lana magacaabi karin saraakiisha sare ee dowladda, inta ay ka dhammaaneyso xaaladda siyaasadeed ee taagan. Wareegtadaas oo Goobjooge.com ay hore u daabacday KA EEG HOOS

4. Talaabadda wasiir Bayle waxay weji gabax ku tahay diblomaasiyadda Soomaaliya iyo qaababka loo kala bedelo ama loo magacaabo safiirada sida uu shirkii ugu danbeeyay Golaha  wasiirada ka sheegay wasiiru dowlaha wasaaradaasi Md. Burci Maxamed Xamza. Sida sharcigu yahayna magacaabis safiir loo maro in ogolaasho laga helo dowladda loo dirayo safiirka cusub.

5. Ugu dambeyn fadeexada bedelka safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan Md. Xasan Maxamed Siyaad Barre waxay saameyn ku yeelatay wasaaradaasi oo marka laga reebo wasiirka aan wax war ah ka heynin arrintan, kana war helay markii safar aan qorshe ku jirin ku aaday wasiirka dalka Cumaan.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo arrintan dacwadeeda shir guddoomiyay Khamiistii hore ayaan rajo badan laga qabin inuu tallaabo ka qaado, laakiin waxayba wararku sheegayaan in wasiir Bayle ku jiro wasiirada dib u soo laabanaya ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu sida weyn ula dhacsan yahay.. waxayna tani qarracan ku noqon doontaa wasaaradda arrimaha dibadda oo mugdi kusii dhici doonta.

Qoraalka magacaabidda safiirka cusub iyo bedelka safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyay dalka Cumaan

BAYLE

 

Goobjooge.com

Muqdisho

GJ-bannerhoose

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON