Saturday, June 28, 2025

XOG CULUS: Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo jeediyay Dowlad  Goboleed ay ku jirto caasimada Muqdisho

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilowday dadaal xowli ku socda oo lagu sameynayo maamul goboleed cusub oo ku soo biiraya maamul goboleedyadii kumeelgaarka ahaa ee nidaamka federaalka, kaasoo noqonaya maamulkii ugu danbeeyay ee maamulada la sameynayo.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh

Qorshaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay ayaa ah sidii maamul kmg ah loogu sameyn lahaa Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir. Qorshahan oo hore loo hadal hayay ayaa waxaa barbar socday in mid kale oo ku saabsanaa in Hiiraan iyo Shabeelaha hoose ay noqdaan maamul goboleed, Muqdishana ay gaar ahaan u yeelato maamul sharci gaara lagu maamulo.

[ad name=”HTML-4″]

Kulan madaxweyne Xasan Sheekh toddobaadkan la yeehay xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha Hawiye ayuu ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe lagu sameeyo maamul goboleedka saddexda gobol ee caasimadu ku jirto, waxaana lagu wadaa in muddo saddex maalmood ah oo maanta ku eg loo saaro guddi howshaasi kasoo shaqeeya.

Dhinaca kale waxaa socda dadaalka lagu doonayo in maamul lagu dhiso maamulka goboladda dhexe oo lagu wado inuu shir uga furmo degmada Cadaado.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON