Friday, June 27, 2025

XOG CULUS: Mooshinka laga qoray Prof. jawaari oo kooram loo waayay & qorshaha cusub ee xildhibaanada diidan xukuumadda

Qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka oo diidan in la ansixiyo xukuumadda cusub ee la filayo in Beri la horkeeno Baarlamaanka ayaa qoray mooshin ujeedadiisu tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka looga joojiyo inuu guddoomiyo shirka berito ee kalsooni u qaadista Golaha wasiirada Cumar C/rashiid.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa waxaa hormuud u ah xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ahaa wasiir ku xigeenkii Amniga Qaranka xukuumadii hore oo dhowr jeer shaaciyay in mooshin ka wado guddoomiyaha Baarlamaanka intii khilaafka siyasaadeed ee dowladda Federaalka soo taagnaa, laakiin waxaa markan ku biiray xildhibaano ka tirsan KTT iyo qaar kale oo ka tirsan KBQ oo ay ka mid yihiin:

C/llaahi Goodax Barre

C/raxmaan Xoosh Jibriil

Khadiija Maxamed Diiriye

Mahad Cabdalla Cawad

Fowsiyo Haji Aden

Ujeedada ugu weyn ee mooshinkani ayaa ah in la rido xukuumadda, waxaase heysta caqabad ah tirada xildhibaanada looga baahan yahay inay mooshin ka keenaan guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaareysa 93 xildhibaan (1/3), tiradaas oo haddii ay gaarayaan ay si sahal ay ku ridi karaan xukuumadda una diidi karaan codka kalsoonida.

[ad name=”HTML-2″]

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tirada saxiixday mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka ay gaareyso 42 xildhibaan taasoo aan ku filneyn mooshin ahaan xukuumadna lagu diidi karin. Xildhibaanadan oo ay ku jiraan qaar mintid ah oo xilal wasiir ka hayay xukuumadii ay rideen ee C/weli  iyadoo rajeynaya in dib loo magacaabo iyo qaar looga baxay balanqaadyo jagooyin oo madaxtooyada laga siiyay ayaa laga yaabaa inay maciinsadaan qorshahooda ugu danbeeya ee ah qas iyo qalalaase ay baarlamaanka ka dhex sameeyaan inkastoo taasina ay ku adag tahay.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA LAGU SOO EEDEEYAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO AANAY WAX MAGACYO AH RAACSANEYN

mooshin

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML-3″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON