Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali “Sharma’arke” ayaa la sheegay inuu noqday mas’uul u dabran madaxweyne Xasan Sheekh oo gacmaha ka xiran isla markaana aan qaadi karin wax tallaabo ah oo aanu madaxweynaha ogolaan ama soo jeedin.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa joogto ku noqday saraakiisha madaxtooyada oo ra’iisal wasaaraha u diiday inuu ka nasto korjoogtanimadooda, waxaana la arkaa iyagoo aan marna faaruqin xafiiska ra’iisal wasaaraha. Lama oga shaqada ay ka hayaan xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo sababta ay lugtoodu ugu badatay, laakiin waxaa la hadal hayay inay dusha kala socdaan dhaqdhaqaaqa ra’iisal wasaaraha. Xubnaha xafiiska ra’iisal wasaaraha sida joogtada loogu arko waxaa kamida agaasimaha madaxtooyada Cali Balcad iyo C/llaahi Sanbaloolshe oo u muuqda inuu yahay mas’uul loo xil saaray inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha.
[ad name=”HTML-3″]
Taliyihii hore ee Hay’adda Amniga Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mida xubnaha sida aadka ah ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marna ka harin ra’iisal wasaaraha, wuxuuna la socday dhammaan safaradii uu dibadda ugu baxay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo uu ugu danbeeyay socdaalkii Dalka Qatar.
Ra’iisal wasaaraha oo markii horeba aan dhib badneyn, diyaarna u ahaa inuu qaab kasta kula shaqeeyo madaxwyenaha ayaa hadda dareemaya inuu lug xiran yahay, waxaana toddobaadyadii ugu dambeeyay madaxweynuhu ku dhaqaaqay faragelin uu ku sameeyay wasaaradaha qaarkood isagoo si toos ah ula xiriira, amarro siiya, isla markaana go’aano ka qaata howl maalmeedka wasaaradaha iyo wasiirada.
Ma cadda sida uu xaaladan ugu shaqeyn doono ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid laakiin saaxiibadii qaarkood ayaa Goobjooge.com u sheegay inuusan waxba ka bedeli doonin cadaadiska madaxweynaha oo ay uga darran tahay inuu xilka ku dheganaado.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]