Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ciddii ka dambeysay qaraxyadii mataanaha ahaa ee lagu qaaday Hotelka Central ee Muqdisho oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab, iyadoo baaritaan xoog leh ku socdo shaqaalaha iyo maamulka hotelka oo loo xiray arrintan.
Warar laga soo xigtay Hay’adda nabadsugidda ayaa sheegaya in qaraxa ay ka dambeeyeen laba ruux oo heystay dhalashada Holland ahaana Soomaali, waxaana lagu sheegay inay yihiin nin iyo haweeney loo badinayo inay is qabeen ama xiriir dhow ka dhaxeeyay, iyaguna oo qorshahan soo abaabulay. Ninka ayaa magaciisa lagu sheegay Ismacil Muuse iyo haweeneyda oo lagu magacaabo Luul Axmed.
[ad name=”HTML-2″]
Haweeneyda ayaa la sheegay inay muddo 4 bilood ah ka shaqeyneysay Hotelka qeyb ahaan, halka ay ka danbeysay qorshaha oo dhan oo ay waxyaabaha qarxa gaariga ku rakibtay iyo ninka oo agabkaasi keenay.. wararka oo aan weli dhameytirneyn ayaa la filayaa inay faahfaahin badan ka soo baxdo dhowaan.
Tani waxay muujineysaa in Alshabaab ay sirdoon ahaan uga horeyso dowlada Federaalka iyo hay’adaheeda ammaanka, dhinacyada diyaarinta iyo abaabulka iyo fulintaba, waxaana soo noqnoqday qaraxyada noocan oo kale ah iyadoo kuwii hore wax waaya-aragnimo ah lagu qaadan ama ka hortag ka muuqan hay’adaha dowladda.
Wasiirka ammaanka gudaha C/risaaq ayaa sheegay in qaraxa Hotelka Central uu ku dhacay habac ka yimid dhinaca hotelka, wuxuuna sheegay in gabar ka mid ahayd maamulka receptionka la sheegay inay is qarxisay, kana timid Yurub, wuxuuse ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo. haweeneyda is qarxisay ayuu sheegay inay lahayd hooyo lix caruur ah leh oo min laba, laba mataano u ah, haweeneyda ayuu sheegay inaysan hotelka weligeed seexan marka laga reebo habeenkii ka horeeyay maalinta ay qaraxa geysatay.
Haweeneydaasi ninkeeda ayuu sheegay inuu isna dhintay balse aanay caddeyn sababta geeridiisa. haweeneydaas ayuu sheegay in loo heysto qaraxaasi ayna tahay qofka kaliya ee loo hayo inay ka danbeysay weerarkaasi, caruurteediina waxaa la sheegay inay u geystay hooyadeed oo maalin ka hor.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]