Guddoomiye Jawaari oo waajibaadka Xajka ee sanadkan uga baaqday saacadihii ugu danbeeyay xaalad siyaasadeed
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa saacadihii ugu danbeeyay baajiyay safar uu ku aadi lahaa waajibaadka Xajka ee sanadkan kadib markii xaalad siyaasadeed kasoo dhex gashay waajibaadka xajka ee sanadkan u qorsheysnaa inuu guto.

Guddoomiyaha oo isu diyaariyay xajka isla markaana la filayay inuu Jimcihii 18-ka Bishan ka ambabaxo magaalada Muqdisho ayaa dib uga laabtay safarkaasi, taasoo ka danbeysay markii madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday inuu gebi ahaan kansalo socdaalkiisa diineed waxba kala qabto xaaladda siyaasadda ee dalka taagan.
Madaxweynaha ayaa socdaal muhiim ah u qorsheysan yahay inuu ku tago magaalada New York ee dalka Mareykanka aakhirka bishan oo golaha ammaanka uu shir ka leeyahay arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo uu aaday dalka Imaaraadka Carabtau, iyadoo ay socdaan howlo adag oo u baahan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii wado.
Guddoomiye Jawaari ayaa noqon doona ku-sime madaxweyne oo howlahaas adag u wakiishay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka xigsada sida shirka wadatashiga, Mooshinka laga keenay iyo howlo kale oo labada nin isla ogyihiin inaan looga maarin Jawaari inta uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha, waana sababta keentay in xajkii Jawaari socon waayo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]