Monday, July 7, 2025

XOG CUSUB: Madaxweyne Xasan Sheekh oo looga digay wakiilashada Cumar C/rashiid

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay go’aanka uu madaxweynaha ku wakiishay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ee ah inuu wakiil uga noqdo waanwaanta laga gelayo Mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka.

saddaxdam
Maxamed Cusman Jawaati, Cumar C/rashiid Cali & Xasan Sheekh

Wadahadalka laga gelayo Mooshinka madaxweynaha ayaa waxaa gebi ahaanba kasoo shaqeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo madaxweynaha cadaadis ku saaray arrinta maxkamadda sare, waxaana arrintaas si hoose la sheegay inay isula og yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.

Xildhibaano aad ugu dhow madaxweynaha ayaa uga digay arrinta wakiilashada shir ay la yeesheen shalay waxayna kula taliyeen in arrintaasi mustaqbalkiisa halis ku tahay, waxayna wararku sheegayaan inuu arrintaasi ku gacan seytay madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiye Jawaari ayaa noqday mas’uulka hadda ugu sareeya ee gacanta ku haya arrimaha hiigsiga cusub oo labada dhinac ay isku diidan yihiin, waxaana ka go’an inuu madaxweynaha aqbalsiiyo muddo kordhin.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON