Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ag yaalla guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda gacanta ku haya 20 maalmood iyadoo uu fashilmay isku daygii ugu danbeeyay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku doonayay inuu xiriir la sameeyo Maxkamadda sare.
Kulan xasaasi ah oo xalay dhex maray Madaxwynaha iyo saddexda nin ee guddoonka Baarlamaanka ayaa la isku afgartay inaan Mooshinkaasi loo gudbin Maxkamadda Sare iyadoo kulankaasi ay hareeyeen arrimo xasaasi ah oo ku saabsan mowqifka labada dhinac ee xaaladda dalka iyo hiigsiga cusub.
Labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka ayaa si cad uga hor yimid in Maxkamadda sare ay la geeyo mooshinka ma xiriir ku saabsan mooshinka lala sameeyo iyagoo ku mowqif noqday Madaxweynaha, waxayna arrintu ku dhammaatay in guddoonka Baarlamaanka si kale u kala tuuro mooshinka, iyadoo guddoonku ay yeelan doonaan kulamo kale oo arrintan weji cusub loogu raadinayo.
Warbaahinta qaarkeed oo horeba u shaacisay in Maxkamadda sare loo gudbiyay Mooshinka ayaa mar kale shaacisay isla warkii laakiin waxay goobjooge.com idin soo gudbineysaa wararkii ugu daneeyay ee xaqiiqada MOOSHINKA MADAXWEYNAHA.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]