Sunday, July 6, 2025

XOG CUSUB: Xildhibaanada keenay Mooshinka Madaxweynaha oo Mooshin cusub diyaarinaya

Xildhibaanada Baaralmaanka ee waday Mooshinkii xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareeyay go’aanka adag ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay mooshinkoodii, waxayna kulamo ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho uga doodayaan tallaabadii ay qaadan lahaayeen kadib go’aan aad u adag oo Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) xalay soo  saaray (Akhri Go’aanka)

xildhiban-moshin

Xildhibaanadan qaarkood ayaa soo jeediyay inay mooshin cusub ka keenaan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen inuu marin habaabiyay mooshinkoodii una ololeynayo wadahadal iyo xeer jajab. Laakiin xildhibaano kale ayaa arrintaas ka gaabsaday iyagoo ku doodaya haddii taasi dhacdo inuu guddoonka la wareegi doono guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar oo isagu aad ugu dhow madaxweynaha.

Go’aanka mooshin laga keeno guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa horeba ay ugu hanjabeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, laakiin Prof. Jawaari  ayaa jawaab yaab leh siiyay taasoo ahayd : “Haddaba iga keena Mooshin, waan idin duceyn lahaa, dhibkiiba ayaanba ka nasan lahaa…!”.

Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa maanta oo dhan madaxa iskula jira iyadoo xaaladu ku adag tahay waxaana la filayaa inay go’aan ka qaataan xaaladda uu galay mooshinkoodii iyagoo qaar ka mida ay qabaan in waanwaan laga galo arrinta.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON