Monday, June 23, 2025

XOG: Dhaawacyadii xarunta Tacliinta Sare oo dhaqaatiir looga waayay magaalada Muqdisho

Dadkii dhowaan ku dhaawacmay weerarkii kooxda Alshabaab ku qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada ee hore u ahayd wasaaradii Tacliinta Sare ee KM5, magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in loo waayay dhaqaatiir xirfad sare leh oo arrintooda caafimaad la tacaali kara.

Dhaawacyada culus ee xaruntaasi ayaa u badan kuwo jajab ah oo aad u culus, kuwaasoo u baahan in degdeg muddo kooban wax looga qabto, waxaana la sheegay inaysan sugi karin inta dibadda looga helayo fursado lagu qaado. Isbitaalada Muqdisho ayaa waxba ka qaban waayay dhowr bukaan oo dhaawacyadoodu ka dhasheen markii ay ka boodeen dabaqyada dhismaha la weeraray taasoo dhalisay inuu si xun jajab u soo gaaro.

DIGFERQ

Ad

Isbitaalkii weynaa ee Digfeer, looguna magac daray Ordogan oo rajo badan laga qabay in looga maarmo baahidii caafimaad ayaa u muuqan mid u  dhow inuu buuxiyo baahida caafimaad ee Muqdisho ka jirta, waxaana la sheegay inaysan isbitaalkaasi joogin dhaqaatiir dhinaca lafaha ah, iyo waliba dhaqaatiir la filayay inay ka howlgalaan arrimo jira dartood. Sidoo kale  dhaqaatiirta lafaha takhasuskoodu yahay ee Soomaalida ayaa ka maagay inay xaalada bukaankani wax ka qaban karaan.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay dhaqaatiir ka raadineyso dibadda si Muqdisho u yimaadaan, iyadoo dhaqaatiir Afrikaan ah oo fadhigoodu yahay Bariga Afrika lagu wado inay Muqdisho soo gaaraan. Waa markii ugu horeysay ee dhaqaatiir loo keeno Muqdisho arrin caafimaad darteed iyadoo arrintaasina ay fulineyso dowladda Federaalka.

Xaaladan waxay caddeyn u tahay inaysan dalka inuu aad u liito adeegga caafimaad ee laga heli karo, ka sokow boqolaalka isbitaal iyo xarumaha caafimaad ee buux dhaafiyay magaalada oo dhammaantood sheegta inay wax waliba u dhan yihiin.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON