Tuesday, June 24, 2025

XOG: Faarax Macalin oo dib u soo nooleeyay Kooxdii Asmara & shir uu ku guddoomiyay Muqdisho

Kulan ka dhacay hotel Jazeera maanta 12 March 2017 ayaa waxaa shir guddoomiyay Siyaasiga mucaaradka dalka Kenya Faarax Macalin oo Muqdisho soo gaaray shalay.

Shra ayaa waxaa ka qeyb galay kooxda isbaheysiga siyaasadeed ee Asmara ee dib loo abaabulayo oo ay ku jiraan siyaasiyiin hore.

Xubnaha shirka uu guddoomiyay Faarax Macalin ka qeyb galay waxaa ka mida: Zakariye Xaji Cabdi, Maxamed Cabdi Yusuf, General Ahmed Taajir, Cabdulkhadir Dhaqane, iyo xubnoodoo kale aanay noo suuragal inaan helno magacyadooda, mid ka mid ahna naloogu sheegay inuu kasoo jeedo Soomaalida Itoobiya.

Shirka ayaa looga hadlay doorashadii ka dhacday Soomaaliya gaar ahaan qudbadii Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi ka jeediyay maalintii doorashada, taasoo  xildhibaanka ku muujiyay faragelinta Itoobiya oo bedeshay dareenkii xildhibaanada.

Waxaa shirka aad looga dooday sidii xubno isku aragti ah usoo gali lahaayeen Golaha Wasiiradda cusub, iyadoo Faarax Macalin uu balanqaaday inuu Farmaajo iyo Kheyre ka dhaadhicin doono qorshaha kooxda.

Faarax Macalin oo ah nin lagu yaqaano kasoo horjeedka dalka Itoobiya, isagoo xiriir dhow la leh dowlada Eretria oo mar kale dooneysa inay siyaasadda Soomaaliya ku lug yeelato kadib isbedelkii hogaanka ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiga reer Kenya oo  shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa dadaal ugu jiro sidii xubnihii Casmara qayb ugu noqon lahayeen Golaha Wasiiradda cusub ee dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON