Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa diiday baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyo weerarkii Xerada Xalane ay ku galeen dagaalyahhano ka tirsan Alshabaab 23-kii Bishan oo lagu dilay saraakiil Ajnabi ah iyo ciidamo ka tirsan AMISOM.
Weerarka oo ahaa kii ugu halista badnaa ee Alshabaab gudaha ugu gasho goobta sida weyn loo ilaaliyo ayaa ka koobnaa laba dagaalyahan oo gudaha u galay Marina Gate, dhinaca Afisyoone iyo Hoobiyeyaal lagu garaacay Xalane oo ku dhacay xarumaha UN-ka iyo agagaarka safaaradda Mareykanka.
AMISOM iyo Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya oo weerarka uu saameyn ku yeeshay, si weyn shaki uga muujiyey sida loo fududeeyay ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka dalbaday shir hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka, AMISOM iyo UN-ka isugu yimaadaan si looga hadlo weerarka dhacay iyo sida looga hortegi karo mustaqbalka weerarro kale.
Farmaajo iyo la-taliyihiisa Amniga ayaa qaatay go’aan ay uga hortegayaan in Amniga Garoonka Muqdisho iyo Xalane lagala hadlo AMISOM iyo UNSOM oo goobtaasi degan, waxaana dhacday in isla maalintii ay kulanka dalbadeen uu Fahad Yasiin qabanqaabiyay kulan baraha bulshada lagu baahiyey oo dhex maray Farmaajo, Taliyeyaasha ciidamada iyo Gobolka Banaadir oo looga hadlayo Amiga.
Arrintan waxay sii xoojisay shakiga iyo tuhunka sii kordhaya ee ah in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku lug leedahay weerarrada Alshabaab, siiba kuwii ugu danbeeyay, waxaana shakigaasi uu hadda gaaray AMISOM iyo UN-ka.
Maalin kadib, Kulan kale oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble ayey ka soo muuqdeen saraakiisha AMISOM iyo xubnaha Amniga ee Qaramada Midoobay, laakiin inta badan taliyeyaasha ciiidamada waxay ka amar qaataan Farmaajo, iyadoo halistu sii kordheyso.