Gacan-yarihii Madaxweynihii hore ee Soomaliya ee ahaa agaasimaha hab-maamuuska Madaxtooyada C/raxmaan Aadan Cusmaan (Kampala) ayaa xil looga magacaabay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xilka loo magacaabay waxaana hore u soo baxday in loo magacaabay Qunsulka Guud ee Safaaradda, oo ah xil uu banneeyay Siyaad Maxamuud Shire. [Akhri Warkan], waxaana laga yaabaa in xilka safiir ku xigeenka loogu daro.
Magacaabidda C/raxmaan Kampala ayaa meesha ka saareysa in safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu baneeyay Amb. Jamaal Maxamed Hassan kadib markii loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta loo magacaabi doono Wasiirkii hore ee Qorsheynta C/raxmaan Ceynte.
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ka mida xilalka lagu xisaabtamo ee ka mida kuwa waaweyn ee awood qeybsiga beelaha ka mida, waxana xilkan magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh inta uusan xilka ka degin, iyadoo uu aqbalay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge.com